|
Baydhabo, (insidesomalia.org) - Guriga ay Baydhabo ka dagan yihiin laba xildhibaano oo ka tirsan Dowladda Fedeaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay lagu qaaday weerar bambaabooyin, sida ay xildhibaanadaas u sheegeen warbaahinta.
Qaraxyadaan oo is xigay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaalada Madaxdaas, iyadoo labda xildhibaan ay xaqiijiyeen inay ka badbaadeen isku daygaas lagu doonayay in iyaga lagu qaarijiyo.
Xildhibaanada la weeraray oo kala ah: Axmed Dhegdheere iyo Cabduqaadir Nuur Caraale ayaa waxay labaduba sheegeen in qorshahaan uu ahaa mid abaabulan, iyadoo goobta ay si dhasqo badan ku gaareen booliiska Baydhabo, halkaasoo ay ka sambeeyeen baaritaano balse aan la sheegin cid ay ku qabteen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen laba qof oo bamka ku tuuraya guriga, xilli fiid ah, ayna maqleen qaraxa, iyadoo xaaladu ay mar qura is-badashay, lana faarujiyay xaafadahaas oo dhan.
Ma jiraan cid ay si gaar ah ugu eedeeyeen xildhibaanadaan weerarka lala beegsaday, waxaana tani ay daba joogtaa weeraro dhowr ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan baarlamaanka oo ay ugu dambeysay Caasho Axmed Cabdalla.
Fadhi uu dhawaan baarlamaanku yeeshay ay xildhibaanada qaarkood codsadeen in laga badalo xarunta Baarlamaanka Baydhabo loona wareejiyo Muqdisho, iyagoo sheegay in xaalada Baydhabo aan la isku haleyn karin.
|